Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Buurhakaba iyo Waajid iyo warar kale.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Buurhakaba iyo Waajid iyo warar kale.

Tuesday May 10, 2022 - 14:07:45
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in markale weeraro culus lagu qaaday habqanka ciidamada Xabashida Itoobiya ee tuban waddooyinka gobollada Bay iyo Bakool.
Maanta barqadii ayaa illaa laba weerar oo jidgal ah lagu beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay deegaanka Garsaaley ee hoos taga degmada Waajid.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, dhinaca kale weeraro jidgal ah oo maanta duhurkii ka dhacay gobolka Baay ayaa lagu beegsaday ciidamo Xabashi ah.

Dagaalyahanno aad u hubaysan ayaa wadada laamiga ah ee xiriirisa Buurhakaba iyo Baydhabo ku beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo saad kala gudbisanayay balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dhanka gobolka Jubbada hoose weerar khasaara sababay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan maamulka 'Jubbaland' ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 2 askari ay ku dhinteen weerar dhabagal ah oo xoogag jihaadi ah udhigeen maleeshiyaad ku socdaalayay deegaanka Wayaanta,

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items