Saciid Deni oo qaatay Shahaadada Musharaxnimada iyo Wasiir Xasan Abgaal oo Gaalkacyo gaaray.

Tuesday May 10, 2022 - 13:51:53
Liibaan Jeexoow
Guddiga doorashooyinka madaxtinimada dowladad Federaalka ayaa sheegay in maanta lasoo gaba gabeynayo qabashada araajida dadka doonaya in ay ka qeyb galaan tartanka madaxtinimada.
Musharixiin ay kamid ahaayeen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Zakariya Xaaji ayaa isdiiwaan geliyay, afhayeen uhadlay guddiga ayaa sheegay in maanta saacaddu marka ay tahay 4:00 galabnimo ay ku egtahay isdiiwaan gelinta.

Ku dhowaad 40 musharax ayaa iskusoo taagay xilka madaxweynaha dowladda Federaalka.

Dhinaca kale magaalada Gaalkacyo waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Xasan Abgaal oo ah wasiirka maaliyadda maamulka 'Puntland', wasiirka ayaa tagay xero melleteri oo ciidamo tababar loogusoo xirayay.

Isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu sheegay in howllaha maamulka 'Puntland' ay si habsami leh ku socdaan balse marnaba sooma hadal qaadin xilka qaadistii uu ku sameeyay Axmed Karaash.

Wasiirrada maaliyadda iyo amniga maamulka 'Puntland' ayaa ah gacanta midig ee Saciid Deni waxayna ka dhega adeygeen in ay u hoggaansamaan wareegtadii xilka qaadista Axmed Karaash.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items