Shalay waxa laga xusay dhammaan dhulweynaha Ruushka guushii ay ciidamadoodu ka soo hooyeen 'dagaalkii labaad ee adduunka'.
9 May, 1945 ayaa aheyd maalintii ugu dambaysay ee si kama dambays ah looga adkaado hoggaamiyihii Jarmalka ee Adlof Hitler.
Munaasibaddii shaley waxa lagu soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo kala duwan. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa khudbad ka jeediyay goobtii xuska dabbaaldegga.
isaga oo hadalladiisa laga dhadhansanayey sida ay uga go’antahay in uu qabsado dalka Yukrayn. Putin waxa uu sheegay in hawlgalka millatari ay u qaadeen si ay u ilaaliyaan shacabka Donbaas iyo weliba sidii ay u sugi lahaayeen amniga waddankooda.
"Waxaanu qaadannay go’aan sax ah oo ku soo beegmay xilli munaasib ah, waa go’aan dawlad xooggan oo madax bannaan” ayuu yidhi Putin mar uu ka hadlayay dagaalka ciidankiisu ku qaadey Yukrayn.
Waddamada reergalbeedka ayaa hub fara badan iyo taageero dhaqaale ku sii daabulaya Yukrayn halka ay cunaqabatayno kala gedisan ku soo rogeen Ruushka. 77 sano ka dib waxa maanta Yurub markale qarka u saaran tahay in ay gasho dagaal nafo badan galaafta oo dhexdooda ah dagaalkaas oo khariiradda lagaga tirtiri doono waddamo badan haddii uu sii fido.
Wadaad Yare Xaashi