Farmaajo oo iclaamiyay in uu yahay Musharax madaxweyne iyo warar kale.

Monday May 09, 2022 - 09:37:32
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay hoggamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu yahay musharax utaagan xilka madaxweynaha.
Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa Video cusub oo lagasoo duubay ku sheegay in uu doonayo in markale dib loosoo doorto, isagoo hadlayay ayuu dib iskusoo sharraxiddiisa ku macneeyay codsi uga yimid shacabka Soomaaliyeed.

inkabadan 40 siyaasi ayaa ku dhawaaqay in ay yihiin musharixiin doonaya in ay madaxweyne ka noqdaan Soomaaliya.

Tallaabadan uu qaaday Farmaajo ayaa timid saacado kadib markii uu goddoonka baarlamaanka iclaamiyay in uu aqoonsanyahay xildhibaannadii lagusoo doortay Ceelwaaq isagoo waxba kama jiraan kasoo qaaday xildhibaannadii Garbahaarey lagusoo doortay kuwaas oo daacad u ahaa Villa Somalia.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items