Ciidamo Xabashi ah oo weeraro jidgal ah iyo qaraxyo lagula beegsaday deegaanno katirsan Bakool [Warbixin].

Monday May 09, 2022 - 08:17:33
Habqanka ciidamada Xabashida Itoobiya ee daadsan deegaanno katirsan gobollada Baay iyo Bakool ayaa wali weeraro iyo qaraxyo kala kulmaya xoogaga jihaadiyiinta ah.
Wararka ka imaanaya duleedyada degmooyinka Waajid iyo Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in shalay dhowr qarax iyo weeraro lagu beegsaday ciidamada Itoobiya.

Ciidamo Khamiistii lasoo dhaafay kasoo dhaqaaqay degmada Ceelbarde ayaa weeraro dhiigbixin ah kala kulmaya dagaalyahannada Al Shabaab, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo wata meydad iyo dhaawacyo ay gaareen tuulada Teedda.

Dhanka degmada Rabdhuurre waxaa lagasoo warinayaa in weeraro aan kala joogsi laheyn ay shalay lakulmeen ciidamada Xabashida, wariye ku sugan Bakool ayaa soo sheegay in ciidamada Itoobiyaanka dhowr gaadiid laga gubay islamarkaana askar laga dilay.

Ciidamada oo lugeynaya ayaa masaafo aan ka badneyn 60Km ku socdaalaya muddo 4 maalmood ah.

Kolonyada gaadiidka Itoobiya oo isbuucii hore kasoo gudbay xuduud beenaadka ayaa kusii kala jeeda degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ay gummeysi ku haystaan wax ka badan 6 sanadood.

Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta illaa 10 qarax oo loo malaynayo in ay ka dhasheen madaafiicda hoobiyaasha ah ee saldhigga lagu garaacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items