Wasaaradda
Al-Amru bil Macruuf wan Nahyi canil Munkar ayaa war ay soo saartay waxay ku
sheegtay in wixii xilligan ka dambeeya ay haweenka dalka Afqaanistaan ku nool
ku amranyihiin iney qaataan xijaabka sharciga ah ee uu Allaah cazza wajalla ku
waajibiyay Quraanka kariimka.
Wasiirka
wasaaradda farida macruufka iyo reebida munkarka oo qabtay shir jaraa’id ayaa
sheegay in diinta Islaamka ay tahay diinta keliya ee sharaftay haweenka, xaqqa
ay siiseyna aaaney jirin diin kale oo siisay haweenka.
" Waxana
dooneynaa in gabdhaha walaalaheena ah ku noolaadaan dhowrsanaan iyo karaamo,
xuquuqda uu Islaamku siiyay haweenkana ma jirto diin kale oo siisay. Wixii
maanta ka billowda xijaabka sharciga ah ayay qaadanayaa haweenka, ciddii
diidana dardaaran ayaan siineynaa, dadka masuulka ka ah haweenkaas ayaana u
yeereynaa” ayuu yiri wasiirka Al-Amru bil Macruuf wan Nahyi canil munkar ee Imaarada
islaamiga ah ee Afqanaistaan.
Wuxuu intaa
sii raaciyay " Usuusha iyo Axkaamta Islaamka ayaa anaga nooga muhiimsan wax
weliba, wax welibana waan ka gudbi karnaa, laakiin kama tallaabsan hal xukun oo
kamid ah axkaamta diinta”.
Wasiirka
ayaa intaa ku daray in Imaaradu aaney awood u lahayn iney bedesho kitaabka
Allaah, wax uu Allaah ka dhigay waajibna ka dhigaan suno, ama wax uu Alle sunno
ka dhigeyna ka dhigaan waajib, ama wax uu Allaah xarrimey xalaal ka dhigaan,
ama wax uu Allaah xalaal ka dhigay xaaraam ka dhigaan.
Dabiixullaahil
Mujaahid, wakiilka wasaaradda Warfaafinta ee IMaarada islaamiga ah oo isagana
goobjoog ahaa shirka jaraa’id ayaa sheegay in haweenka muslimaadka ay la
gudboontahay iney qaataaan awaamiirta Allaah, oo aysanaan banaanka usoo bixin
iyagoo aan xijaabneyn.
Dhawaan ayay
ahayd markii wasaaradda Waxbarashada ee Imaarada islaamiga ah wareegto ay soo
saartay ku sheegaty in la joojiayay in haweenka iyo ragga dhigta jaamacadaha ay
isku xiisad noqdaan, taas bedelkeedana saddex maalin gaar looga dhigay
fasallada waxbarashada gaar looga dhigay haweenka, halka saddex maalin oo
kelana loo gaar yeeley ragga.
Dhamaan tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah tadbiiqinta Shareecada Islaamka oo laga hirgeliyay dalka Afqaanistaan, kadib markii dalka Jihaad looga saaray ciidamadii Shisheeyaha iyo xukuumaddi iyagu ka dhiseen magaalada Kaabul.