Xisbiga Nabad iyo Nolol oo ku dhawaaqay musharaxnimada Farmaajo.

Saturday May 07, 2022 - 11:10:40
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax utaagan in markii labaad oo xiriir ah uu majaraha uqabto hoggaanka DF-ka.
Xisbiga Nabad iyo Nolol ee Farmaajo katirsanyahay ayaa bilaabay ololaha doorashada madaxweyne waxayna halku dhig ka dhigteen "Isbedeldoonka socda".

Cali Yare oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo ammaanka gobolka Banaadir kana mid ah gacanyarayaasha Farmaajo ayaa goob fagaara ah ka sheegay in Farmaajo yahay musharax uuna sii wadi doono isbedelkii uu horay uballan qaaday sida uu hadalka udhigay.

Agaasimaha Villa Somalia ayaa isna bartiisa Twitterka ku sheegay in Farmaajo uu ka qeyb geli doono doorashada 15-ka Bishan ka dhici doonta Teendhada Afisyooni.

Tartanka xilka madaxweynaha DF-ka waxaa ku loollami doono sodomeeyo siyaasi oo dhammaantood xildoon ah waxaana ugu cad cad Xasan Sheekh,Saciid Cabdullaahi Deni,Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre balse lama oga cidda kusoo bixi doonta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items