Al-Shabaab oo reer Ceel-Baraf u Fasaxay Inay Ganiimeystaan Agabka Yaalla Xerada ATMIS, Askarta Firxadka ahna Ka Furtaan Hubka.

Tuesday May 03, 2022 - 13:07:32
62327
War goordhow kasoo baxay taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dadka kunool deegaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa u fasaxday inay galaan xerada ciidamada kuffaarta Burundi ee deegaanka Ceel-Baraf ayna soo qaataan qalabka halkaas yaalla, qof waliba uu isagu leeyahay wixii uu soo qaato.
Warkan kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa sidoo kale dadka deegaanka u fasaxay inay dabagalaan ciidanka Burundi ee ka firxaday xerada, ayna kasoo furtaan hubka, qof walibana uu xaq u leeyahay inuu qoriga ka reebto askarigii uu dilo.

Arintan ayaa imaaaneysa iyadoo aroornimadii hore ee saaka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar xoogan oo cagmarin ah ku qaaday xerada ciidamada Burundi ee Ceel-Baraf si buuxdana ula wareegtay.

Weerarkan oo ku bilowday qaraxyo uuna xigay dagaal toos ah ayaa ilaa hadda inta la og yahay galaaftay nolosha ugu yaraan 59 askari oo Burundi, waxaana ku dhaawacmay tiro kale. Waxaa jira ciidamo badan oo ku firxaday howdka kuwaas oo ilaa hadda ku dhuumaaleysanaya keeymaha ku xeeran deegaanka Ceel-Baraf.

Go’aankan kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dadka deegaanka fursad u siinaya inay hubka iyo rasaas ka furtaan ciidamada shisheeye ee kala lumay kadib markii ay ku firxadeen dhulka baadiyaha ah ee deegaanka Ceel-Baraf.

Lasoco wixii kusoo kordha weerarka Al-Shabaab ee Ceelbaraf

Related Items

Update cookies preferences