Rubac Malyuun Muslimiin ah oo xalay ku tukaday Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa.

Thursday April 28, 2022 - 12:28:52
Liibaan Jeexoow
Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa wali sii wada xadgudubyada ay ka geysanayaan masjidka barakeysan ee Al-aqsaa xilli muslimiintu ay difaac adag uga jiraan barxadaha masjidka.
Wararka ka imaanaya Falasdiin ayaa sheegaya in xalay dad ka badan Rubac Malyuun muslimiin ah ay salaadda Tahajudka ku tukadeen Masjidul aqsaa.

Muslimiinta oo boqolaal kun ahaa ayaa raadinayay habeenka Laylatul Qadriga oo culimada qaar ay aaminsanyihiin in uu ku beeganyahay 27-ka Ramadaan.

Sawirro lagasoo qaaday gudaha masjidka Al-Aqsaa iyo hareerahiisa ayaa muujinayay boqolaal kun muslimiin ah oo salaadda Tahajudka dukanaya, wakaaladda wararka Falasdiin waxay sheegtay in dadkii xalay majidka ku cibaadaystay ay ka badanyihiin 250,000 oo ruux.

Dhinaca kale ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa saaka salaaddii subax kadib weeraro culus ku qaaday dadka muctakifiinta ah ee ku sugan gudaha masjidka Al-aqsaa.

Ciidamada Yahuudda ayaa diyaarado Drone ah oo lagusoo xiray haamaha gaas ah ku rushaynayay muslimiinta si ay ucarqaladeeyaan tukashada salaadda Fajarka.

Tan iyo bilashii bisha barakeysan ee Ramadaan ayay ciidamada Yahuuddu weeraro daran ku hayeen dadka muslimiinta ah ee ku ictikaafaya masjidkan oo ah buqda 3aad ee ugu kheyrka badan caalamka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items