Melleteriga Ruushka oo duullaan ballaaran ku qaaday gobolka Donbas ee dalka Yukreyn.

Tuesday April 19, 2022 - 11:15:25
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya dalka Yukreyn ayaa sheegaya in Melleteriga Ruushka uu qaaday qeybta labaad ee duullaankiisa uu ku qabsanayo bariga wadankaasi.
Madaxweynaha Yukreyn ayaa ku dhawaaqay in Putin uu bilaabay duullaanka ka dhanka ah gobolka Donbas ee dhaca bariga dalka Yukreyn.

Boqolaal kun oo katirsan ciidamada Ruushka ayaa udhaqaaqay dhanka magaalada Kharkiv ee xarunta u ah gobolka Donbas, warbaahinta rasmiga ah ayaa faafisay muuqaal muujinaya duqeymo culus oo ku socda Donbaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka melleteriga Ruushka ay dhan walba ka go'doomiyeen magaalada Kharkiv ayna isku diyaarinayaan la wareegideeda.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sare uqaadi doonto taageerada melleteri iyo midda dhaqaale ee ay siinayso ciidanka Yukreyn si ay isaga difaacaan duullaanka Ruushka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items