Hooyo ayaa 2019kii dib ugu noqotay magaaladii ay ku dhalatay ee Bu’aale iyadoo u dhawaaneysa geela iyo beeraha Abtiyaashayo si ay ula tacaasho xanuunka Sonkorta oo loo sheegay in aan loo gaarin caanaha geela ee saafiga ah iyo cuntada diirka leh. Alle mahadi socdaal qaatay 10 saacadood kadib, waxaan ku furanay gurigii nalaga sugayay oo casho iyo soo dhaweyn diiran na loogu sameeyay aniga iyo seedigey Cabdimahad oo ila socday.
Akhristow, ujeedada
maqaalkeygani ma ahan ka sheekeynta arrintii aan u baxay ee caa’iladeena, mana
ahan buunbuuninta ama dhalleeceynta kooxda asal-raaca ah ee Al-Shabaab oo ka
talisa dhulkii aan tagay, hase ahaateen waxaan u holladay inaan idinla wadaago
xaqiiqooyin dhab ah oo aan isleeyahay waa u muhiim qof walba oo sideyda oo kale
waayahan uga indho xirnaa Wilaayaatka.
Inkastoo markii hore
aan ka walwalsanaa sida aan ugu soomi doono dhul bey’o ahaan iyo maamul ahaan
igu cusub, haddana waxaan 10ka maalmood ee Ramadaanka kusoo qaatay magaalooyin
ka tirsan gobolada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Shabeelada Hoose, oo kala
ah Bu’aale, Saakow, Jamaame, Kamsuuma, Jilib iyo Kuunyo-barrow, waana midda ii
suura galisay inaan Xamar kusoo laabto anigoo xog iyo xaqiiqooyin badan
xambaarsan.
Jiirooni (Koobka
Ramadaaka) Kama jiro Wilaayaatka Islaamiga
Lixda magaalo ee aan
cagta mariyay waxaa iiga muuqday horumar dhanka ganacsiga iyo dhismaha degaanka
ah, muuqaalka dadkana waa mid wanaagsan oo ifaya, hase yeeshee waxaanan marnaba
indhahayga saarin garoon ay dad badan usoo daawasho tageen oo lagu qabtay
Jiirooni ama cayaaraha kubadda cagta si ay saa’imiintu ugu madadaalaan ama
waqtiga ku lumiyaan. Si ka duwan habka ay dhallinta Muqdisho u ciyaaraan ama
ugu daawasho tagaan garoomada, waxay barbaarta aan soo arkay ahaayeen kuwa ku
mashquulsan tartamo Qur’aan oo ka socda masaajida oo kala mustawo ah, heer
xaafadeed, heer degmo iyo heer gobol intaba.
Masaajidda ay ka
dhacayeen tartamada ayaa ahaa kuwa camiran oo dad badani usoo daawasho tagaan
inta uu tartanku socdo, waxaana ii muuqanayay in maamulada Xarakada Al-Shabaab
ay dhaqaale badan ku bixiyeen baratannada Ramadaaniga ah, wiilal oo kaliya ma
ahan kuwa tartamayay ee waxaa kaalintooda ka qaadanayay gabdhaha.
Iyadoo aan garoomada
iyo fagaarayaasha ka waayay wax ciyaaro ah, haddana dhallinyaradii aan arkay
qiyaastii 65% waxay ahaayeen kuwa jir ahaan dhisan oo muruqyo kuuskuusan, qaar
badan oo kamid ah dhallinta waxaa jirdhis u ah tacabka beeraha, jiimka oo magaalloyinka
qaar ganacsi ahaan uga furan iyo socodka xilliyada aroortii sida uu ii sheegay
ganacsade firfircoon oo mehrad ku leh Kuunyo Barrow oo ka mid ah deegaanada hoos
taga degmada Baraawe.
Waxaan soo arkay
dhallinyaro waqtiga ku xisaabtamaya oo jadwal leh islamarkaana aan oggoleyn in
ay daqiiqad ku lumiyaan wax aan macno lahayn, arrinta kale ee isoo jiidatay
waxay tahay in shabaabka yaryar ee 15 jirrada ahi yihiin kuwa caqli iyo maskax
ahaan u fakaraya sida 30 jirka, waxay kaaga sheekeynayaa waxa ka jira wadanka,
ujeedada ay dalka u yimaadeen ciidamada shisheeye iyo in xalka Soomaaliya yahay
ku dhaqanka shareecada islaamka.
Waa dhallinyaro ay
sunnadu ka wada muuqato, food aan lahayn, balwadna aan isticmaalin, gabdhahuna
waa ay wada xijaaban yihiin oo marnaba lagama yaabo iney indhahaaga qabtaan
dumar cawradoodu muuqato oo dhar ku dhegan soo xirtay, shaqsi ahaan waxaan
aaminsanahay in indhahayga ii badbaadeen, badqabka soomkeyguna wanaagsanaa
ayaamihii aan halkaa joogay, walow aan haatan kusoo laabtay magaalo ay dad kala
nooc ah kaa hor imanayaan ama gaari kula raacayaan, waana arrin aan mar kasta
ku xasuusto suugaan uu Abwaan dhoodaan ku cabirayay qaawnaanta.
Asturkii kolkii laga baxay bay, sii burburiyeene
Waxay baratamaayaan kob aad, uga ba'aysaaye
Boggaa qaawan barta xaluska iyo, bari dabkii gaadhay
Adoon baadhin baad heli kartaa, booska uu yahaye
Hablo badanka soo wada qarshaan, kaa baryahayaaye
Lagama Yaqaano
Xaflado Qoob ka Ciyaar ah Iyo Isdhexgalka Ragga iyo Dumarka.
Mid kasta oo kamid
ah magaalooyinkii aan tagay waxaa ku yaalla Hoteello iyo Guryo bilaash ah oo
dadka masaafurka ah loogu tala galay ayna dhiseen maamulada kooxda Al-Shabaab
ee halkaa ka jira, saasoo ay tahayna waxay dad badani ii sheegeen in uusan
jirin hal Hoteel oo lagu qabto Show heeso ah ama Riwaayado bisha Ramadaan iyo
bilaha kalaba.
Oday adeerkey ah oo
la yiraahdo Qooje Xassan ayaan mar aan kaftameynay ku iri’ (adeer meelaha aad
ka liidataan waa caweyska iyo baashaalka habeenadii ee ma ku qanacsan tihiin)
markaasuu isagoo muusoonaya igu yiri: "adeerow wadankaan waxaan soo joogay
anigoo ku caweeya Curubo iyo Jubba walibana aaminsan inay horumarka qeyb ka
tahay, lagamana faa’iidin wax aan ka ahayn macsiyo iyo Alle ka dheeraansho, waa
maxay waxa laga filan karo niman iyo naago ajnabi kala ah oo wada jaasaya
haddana meel ku wada dhafraya?
Hadda markaan tago Xamar iyo Kismaayo waxaan soo
laabtaa anigoo yaaban, ma ila socotaa? halkan ayaan ku qalbi qaboobaa mana
jirto meel aan uga kalsooni badanahay akhlaaq ahaan iyo diin ahaan”... adeerkey
wuu garnaqasaday xaqiiqdii mana helin wax aan hadalkiisa ku bushiyo.
Magaalooyinkaas
waxaad socon kartaa habeenkii oo dhan, ganacsiga ayaa furan intii la doono,
korontadu waa 24 saac, ma jiraan isbaarooyin iyo cid ku baaranaysa ama dhac kuu
geysanaysa, ma arkeysi wadooyin dhagxaan lagu gooyay iyo jidad la xiray oo la
leeyahay waxaa maraya madaxda iyo saraakiisha Xarakada, Masaajidda ayaa wada
camiran xilliyada salaadaha, indhahaagu ma qabanayaan goob ganacsi oo furan iyo
gaadiid socda oo aan kuwa safarka ka ahayn, taraawiixda ayaa aad loo soo
buuxiyaa masaajidda rag iyo dumarba.
Idaacadda Al-furqaan
iyo tan Al-Shabaab ee Andalus
Bulshada ku dhaqan
Wilaayaatka waxay aad ugu xiran yihiin Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada
Al-Shabaab ee Andalus iyo Idaacadda Al-furqaan,intii aan anigu ku sugnaa halkaas waxaa la yaab igu noqday sida loo
dhageysto Al-furqaan iyo Andalus, xilliyada wararku soo galaan waxay ka shidan
yihiin meel walba suuq iyo xaafado, Idaacahan oo aan kala socon jiray baraha ay
Internetka ku leeyihiin ayaa haatan u muuqday kuwa ka miisaan weyn sidii aan u
maleynayay (waa marka aan ku qiimeeyo dhageystayaashooda Wilaayaatka” oo ka
kaaftoomay dhageysiga Idaacado kale.)
Habeenadii aan ku
sugnaa Jilib iyo Bu’aale, waxaan arkay dadka oo wada sugaya tartan aqooneed
qaab cajiib ah loo qabto oo Taraawiixda kadib laga soo baahiyo Idaacadda
Andalus, halka magaalooyin kale oo ay kamid yihiin Saakow, Jamaame iyo Kuunyo
ay bulshadu si weyn ugala socoto barnaamij taxane ah oo la yiraahdo
"Ilbaxnimadu waa islaamka” oo ay sii deyso Al-furqaan, inta ay hawada ku jiraan
idaacadahan marnaba ma maqleysid heeso music wata iyo maadeys toona, balse waxay
waqtigooda u qeybiyeen barnaamijyo, warar, duruus, muxaadaraat, gabayo iyo
anaashiid iyo farriimo wacyi galin ah oo ku saabsan nadaafadda, caafimaadka,
Alla ka cabsiga, xiriirinta qaraabada, daris wanaagga, sadaqada iwm, waxaan soo
arkay bulsho iyo magaalooyin horumar ku naaloonaya, hadduu Alle idmana waxaan
ku tala jiraa in aan kusoo ciideysanno aniga iyo saaxiibo kale, kana soo qeyb
galno Arooska walaasheey Hibo Cusmaan, Insha’allaah.
Ugu dambeyntii
waxaan halkan kusoo gudbinayaa su’aal muhiim ah oo ku socota qof walba oo
akhrinaya maqaalkaygan, walaal maxay kula tahay waxa sababta u ah nabadda la
isku raacsan yahay Muslim iyo Gaalba ee ka jirta Wilaayaatka Islaamiga,
Nabaddan ma waxaa lagu helay ciidan iyo khibrad, mise waxay ku timid ku
dhaqanka Shareecada Islaamka? Mar baan is weydiiyay Somaliland iyo maamullo
kaleba nabad sow kama jirto (haa waa sax) laakin waa nabad lagu caayayo Nabiga
Sallallaahu Caleyhi Wassalam, waa nabad Qaadka lagu kabanayo Khamriga,
Hoteeladana lagu tunto? Nabaddaas ma ahan ta aan ka hadlayo ee waa nabadda ka
jirta Wilaayaatka Islaamiga.
WQ: Cumar Cismaan
Xareed (Gaadaco)
Muqdisho,
Soomaaliya