Al-Shabaab oo halmar qaraxyo la beegsaday xarumaha 14 kamid ah degmooyinka Muqdisho

Sunday April 10, 2022 - 14:48:59
Ugu yaraan 24 qarax oo la rumeysan yahay inay yihiin miinooyin ayaa halmar lagu beegsaday xarumaha 14 ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab
Qaraxyadan oo wakhti isku mid ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu beegsaday xarumaha degmooyinka Deyniile, Kaaraan, Yaaqshiid, Boondheere, Cabdi Casiis, Shibis, Shangaani Xamarweyne, Xamarjajab, Howlwadaag, Dharkenley, Wardhiigley, Hodan iyo Wadajir.

Xarumaha degmooyinka Howlwadaag iyo Dharkenley ayaa ugu badan meelaha lala eegtay qaraxyada, kuwaas oo mid waliba lagu beegsaday ilaa 3 qarax.

Xarunta degmada Yaaqshiid ayaa iyaduna lagu beegsaday ilaa saddex qarax sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo amni oo ka tirsan Al-Shabaab.

Degmooyinka kale ayaa iyaguna mid waliba lagu beegsaday laba ama hal qarax sida ay ilo wareedyadu sheegeen.

Sida aan xogta ku helnay qaraxyadan ayaa ka dhacay gudaha iyo hareeraha xarumaha, waxaana ay sababeen khasaair kala duwan inkastoo aanan ilaa hadda la heynin tiro koob dhameystiran.

Related Items

Update cookies preferences