Muuse Biixi oo sheegay in xukuumaddiisu ay hal milyan oo doollar ugu deeqayso ganacsatadii Suuqa Waaheen.

Sunday April 03, 2022 - 09:58:51
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' Muuse Biixi ayaa sheegay in uu ugu yaboohay hal malyan oo doollar ganacsatadii ku waxyeellawday dabkii ka kacay suuqa bacadlaha ah ee Hargeysa.
Guud ahaan waxa shufbeelay suuqa Waaheen ee Hargeysa kaas oo ay ku burburtay hanti Balaayiin doollar ah.

Lama garanayo waxa rasmiga ah ee keenay dabka laakiin weli waxa jira dedaallo loogu kuurgalayo waxa sababay dabkan, Waxa xusid mudan in gurmadkii ugu horreeyay uu ka yimid Dabdemiska Soomaaligalbeed taas oo muujinaysa in dadkani wada dhasheen.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa la shiray ganacsatada waaweyn ee ku dhaqan gobollada waqooyi ee loo yaqaan Somaliland kuwaas oo laga rejo qabo in ay dhankooda bixiyaan lacag kaabis ah oo loogu gargaarayo dadka ay waxyeelladu ka soo gaadhay dabka.

Iyada oo hore loo ogaa in guud ahaan suuqyada Soomaalida laga dareemayay sicir barar baahsan ayaa tanina waxa ay ka dhigaysaa mid xaaladda sii murgisa.

Waxaa diyaariyay Wadaadyare Xaashi

Related Items