Dowladda Ruushka oo war cusub kasoo saartay duullaanka ay ku qaadday dalka Yukreyn.

Saturday March 26, 2022 - 12:33:55
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay dowladda Ruushka ayaa muujisay in aysan si fudud ku qabsan doonin magaalada Kiyeef ee caasimadda u ah dalka Yukreyn.
Wasiirka difaaca dowladda Ruushka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay xoogga saari doonaan qabsashada gobollada dhaca Bariga Yukreyn ee ay mucaaradka hubaysan dagaallada ka wadaan.

Xukuumadda Moscow waxay shaacisay in ciidamadeedu ay ujihaysanayaan gobolka Donbas si ay fallaagada ugu gacan geliyaan magaalooyinka waaweyn.
Bishii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Putin jamhuuriyado madax banaan u aqoonsaday illaa 2 gobol oo dhaca bariga Yukreyn.

Wasaaradda Difaaca Yukreyn ayaa dhawaqa kasoo yeeray Ruushka ku sheegtay mid guuldarro muujinaya islamarkaana ay ciidamadiisu awoodi waayeen sameynta horumarro xagga dagaalka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items