Booliska DF-ka oo war kasoo saaray weerarka Xalane iyo Garoonka diyaaradaha oo laxiray.

Wednesday March 23, 2022 - 14:09:27
Liibaan Jeexoow
Taliska ciidanka booliska dowladda Federaalka ayaa war hordhac ah kasoo saaray weerarka culus ee ka socda xerada Xalane iyo dhismayaasha isku raranka ah ee ku dhow.
Afhayeenka booliska ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay ladagaallameen rag hubaysan oo galay qeyb kamid ah garoonka diyaaradaha sida uu hadalka udhigay.

Telefeshinka Afka dowladda ku hadla ayaa isna qiray in dagaalyahanno hubaysan ay gudaha ugaleen xerada Xalane ayna halkaas ka geysteen toogasho.

Dhinaca kale wasaaradda duulista hawada dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in si KMG ah loo hakiyay dhammaan duulimaadyadii maxalliga iyo kuwii caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho.

Sababta loo xiray madaarka ayaa lagu sheegay weerarka culus ee dagaalyahannada Al Shabaab ay ka wadaan xerada Xalane oo kaabiga ku haysa garoonka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items