Qarax Xoogan oo Ciidamada Itoobiya Lagula Eegtay Duleedka Diinsoor

Wednesday March 23, 2022 - 00:02:12
Qarax aad u xoogan ayaa maanta duleedka degmada Diinsoor lagula eegtay ciidamada Itoobiya ee heysta degmadaasi, waxaana jira khasaare soo gaaray ciidanka la weeraray.
Qaraxan ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 3 askari oo Itoobiyaan ah laguna dhaawacay afar kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay Idaacada Andalus.

Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo maalintii shaley madaafiic xoogan lagu garaacay saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor, kaas oo sababay waxyeelo kala duwan oo soo gaartay xerada inkastoo aanan la ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha.

Related Items

Update cookies preferences