Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan oo Ka Dhacay duleedyada Magaalada Muqdisho.

Thursday February 24, 2022 - 21:48:53
Laba qarax oo aad u waaweyn ayaa maanta lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo kasoo baxay xerada HaanShiikh ee duleedka degmada Balcad, Iyadoona qaraxaas uu sababay khasaare kala duwan.

Saraakiil u hadlay Shabaabul Mujaahidiin ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qaraxaas oo laba qarax lagu dilay dhowr askari oo ka tirsan ciidamada Burundi tiro kalena lagu dhaawacay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhimashadu ay tahay laba askari, balse aanan la xaqiijin tirada dhaawacyada.

Meel kale oo ka tirsan deegaanka Tareedisho waxaa ka dhacay qarax kaas oo lala eegtay laba askari oo saarnaa Mooto. Labada askari ayaa goobta ku geeriyootay.

Deegaanka Weydoow waxaa lagu khaarijiyey Mustaf Cabdi Xasan oo ahaa garsoore ka tirsan maxkamada DFS, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysan oo si nabada goobta uga baxsaday.

Weeraradan ayaa qeyb ka ah howlgalo amni oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku beegsadaan ciidamada shisheeye iyo shaqaalaha DFS.

Related Items

Update cookies preferences