In ka Badan 10 Askari oo Kenyaati ah oo Lagu Dilay Gobolka Lamu

Wednesday February 23, 2022 - 23:48:06
Wararka ka imaanaya gobolka xeebta saaran ee Lamu ayaa sheegaya in kamiin aad u xoogan maanta lala eegtay Kolonyo ciidamo Kenyan ah oo ku socdaalayey deegaano dhaca xadbeenaadka kala qeybiya Kenya iyo Somalia.
Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhexeysa deegaanada Kiunga iyo Mirarani ee u dhow xadka, waxaana lala eegtay gaari Koyal ah oo ay la socdeen ciidamo Kenyaati ah.

Mid ka mid ah gaadiidkii ciidanka Kenyaatiga ayaa gebi ahaanba burburay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay Idaacadda Andalus, halka la dilay 13 askari oo ka mid ahayd kolonyadaasi.

Al-Shabaab ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay kordhiyey weerarada ay ka geystaan gobolka Lamu, waxaana weerarkan uu noqonayaa midkii labaad oo todobaadkan gudahiisa ka dhaca gobolkaasi.

Related Items

Update cookies preferences