Dagaal xoogan oo qaatay muddo 2 saacadood oo xiriir ah ayaa dhexmaray maleeshiyaatka DFS iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas uu sababay inay go’doomaan maleeshiyaatkii DFS ee kamiinka ku dhacay.
Maleeshiyaatkan ayaa u qeylo dhaansaday gurmad xagga hawada ah, waxaana goobta soo gaaray diyaarado Helicopters ah iyo kuwo Drones ah oo uu leeyahay Mareykanka kuwaas oo duqeymo ka geystay aagga lagu dagaalamayey inkastoo duqeymahaas aysan geysan wax khasaare ah.
Maleeshiyaatka ayaa markii ay heleen gurmadka diyaaradaha helay fursad ay uga baxsan karaan go'doonka, waxaana iyagoo firxad ah ay soo galeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Inta la xaqiijiyey dhimashada ciidanka DFS waa 7 askari iyo dhaawaca lix kale oo uu ku jiro sarkaal labo xidigle ah oo lagu magacaabo Fartaag sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo amni.
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa hadda ku sugan dhamaan goobihii lagu dagaalamay, iyo deegaanka Fiidoow, waxaana maleeshiyaatkii maanta ku go’doomay halkaas ay dhamaantood kusoo xaroodeen degmada Jowhar iyagoo wata meydad iyo dhaawacyo islamarkaana aan gaarin ujeedkii duullaankooda ee ahaa qabsashada deegaanka Fiidoow.
Maleeshiyaatka dowlada ayaa waayihii dambe markii ay ogaadeen in aysan lahayn awood ay ku sii heysan karaan goobaha ay yimaadaan, waxay naftu baday inay qaadaan weeraro ku dhufoo ka dhaqaaqa balse dagaalyahanada Shabaab ayaa fahmay xeeladooda islamarkaana inta badan wadooyinka ugu diyaariya weeraro dhabogal ah oo ay la kulmaan marka ay dib usoo gurtaan.