Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro culus oo xalay lagu qaaday saldhigyo melleteri iyo xarumo dowladeed uu kuyaal gudaha magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro ku miray illaa sedax xero oo ay ciidamada dowlada uga suganaayeen degmooyinka Kaxda, Yaaqshiid iyo Hodon waxaana halkas ka dhacay dagaallo aad uculus.
Jugta qaraxyo waaweyn iyo hugunka rasaas lays dhaafsanayay ayaa xalay laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab waxaa cagta la mariyay illaaa saddex xero oo maleeshiyaadka fariisin u ahaa
1-saldhigga degmada kaxda waxaa ka dhacay weerar naf hurnimo oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay weerar toos cag marin ah
2-Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday xero ku taalla degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Daarusalaam oo fariisin u ahaa ciidamada dowladda Federaalka, ilo wareedyo ayaa sheegay in xerada lagu qarxiyay gaari miinaysan oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo laba ciidan dhax maray.
3- Xero kale oo lagu magacaabo ceel-janaale oo ah meel laga difaaco degmada Kaxda waxaa ka dhacay weerar cagmarin ah oo khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga jihaadiga ah ay weeraro ku qaadeen saldhigyo kale oo ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin degmooyinka Dayniile,Ceelasha Biyaha iyo Hodon weeraradaas ayaa ahaa kuwa mashquulin ah oo ciidamada kale ee weeraradu ku socdeen loogu diidayay in ay isku gurmadaan.
dagaalladan oo socday muddo saacado ah ayaa bilowday abaraa 2:30 saqdii dhexe waqtiga Muqdisho waxayna soo gaareen ilaa saaka waabarigii.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga jihaadiga ah ay xalay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Kaxda ayna gacanta ku dhigeen agabyo melleteri, maleeshiyaadkii dowladda ayaa isaga firxaday Kaxda iyo deegaannada hoos yimaad.
Xalay jawiga caasimadda wuxuu ahaa mid aad u qasan, ma jirin wax gurmad ah oo ay isku sameeyeen ciidamada dowladda, sidoo kale wax dhaq-dhaqaaq ah gurmad ah ma sameynin ciidamada AMISOM,
War kasoo baxay taliska ciidamada Al Shabaab ayaa lagu yiri "laga bilaabo Kaxda ilaa Yaaqashiid ilaa Hodan xalay Mujaahidiinta ayaa si buuxda u maamulayey islamarkaana kala xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka inta ay howlgalkooda ku guda jireen”.
Weeraradii xalay gilgilay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa banaanka soo dhigayay heerka ay gaarsiisantahay awoodda jihaadiga ah iyo habacsanaanta amni ee haysata dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.
Weeraradii xalay gilgilay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa banaanka soo dhigayay heerka ay gaarsiisantahay awoodda jihaadiga ah iyo habacsanaanta amni ee haysata dowladda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho