SAWIRRO+CODAD: Guddiga Gurmadka Abaaraha oo markale Raashin ka qeybiyay deegaanno katirsan gobolka Bakool.

Monday January 31, 2022 - 17:59:18
Liibaan Jeexoow
Guddiga gurmadka Abaaraha ee Xarakada Al-Shabaab ayaa markale gurmad xoogan oo raashiin ah gaarsiiyey dadka ay saameeyeen Abaaraha ee kusoo barakacay deegaanka Buurdhuxule ee duleedka degmada Waajid, Iyadoona boqolaal qoysas ah ay ka faa'ideysteen gurmadkaasi.
Deegaankan ayaa noqonaya deegaankii labaad ee uu gaaro gurmadka ay Xarakada Al-Shabaab u fidisay dadka ay abaaruhu saameeyeen kunool gobolkaasi, waxaana xusid mudan in sidan oo kale degmada Rabdhuure loo gaarsiiyey gurmad raashiin qeybin ah

Mas'uuliyiin u hadashay gurmadka ayaa sheegay in qarashka ku baxaya gurmadkan ay bixisay Xarakada Al-Shabaab balse dadweynaha Muslimiinta laga doonayo inay kasoo muuqdaan kaalintooda islamarkaana ay dadka tabaaleysan lasoo gaaraan wixii ay awoodaan.

In badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya waxaa sanadkan ku dhuftay abaaro ba'an oo saameeyey dadka iyo duunyada, iyadoona uu dhanka kale aad u yar yahay gurmadka ay sameynayaan maamullada Soomaalida iyo bulsho weynta intaba.

Waxay abaaruhu ku soo beegmeen iyadoo maamulada ka jira dalka ay ku mashquulsan yihiin doorashooyin uu hareeyey musuq baahsan oo lagu bixinayo malaayiin lacago ah, xilli lacagtaas ay ka baahan yihiin dadkii mudnaa in lagu caawiyo.

Halkan ka dhageyso kalimadihii ay jeediyeen mas'uuliyiinta guddiga Abaaraha MP3

Hoos ka daawo sawirrada

Related Items

Update cookies preferences