Guddiga Gurmadka Abaaraha Al-Shabaab oo raashin qeybin ka billaabay gobolka Bakool [SAWIRRO]

Sunday January 30, 2022 - 13:23:31
Gudiga gurmadka Abaaraha ee Xarakada Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilaabay gurmad Raashiin qeybin iyo biyo dhaamin ah oo loo sameynayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Gudiga ayaa shaqadii ugu horeysay ka bilaabay gobolka Bakool halkaas oo ka mid ah deegaanada ugu badan ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu yaraan 500 oo qoys ayaa ka faa'ideystay Raashiin qeybin laga sameeyey degmada Rabdhuure ee saaran xad beenaadka kala qeybiya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Mas'uuliyiin katirsan gudiga gurmadka Abaaraha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu ku jiro Sheekh Xasan Yacquub Cali iyo Nabadoon Cabdullaahi Ansaari ayaa dadweynaha kula hadlay fagaarihii lagu qeybinayey Raashiinka.

Gudiga ayaa sheegay in gurmadkan uu gaari doono dhamaan deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen, waxaana ay ku baaqeen in dadka Soomaaliyeed ay si wada jir ah uga qeyb qaataan gurmadkan si loo caawiyo dadka dhibaateysan.

Gudiga ayaa sheegay in qarashka ku baxay gurmadka hadda la sameeyey uu ka yimid Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab islamarkaana la sugayo kaalintii dadweynaha si ay uga qeyb qaataan gurmadkaasi.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.


Related Items

Update cookies preferences