Xoogag Jihaadi ah oo Askari Faransiis ah ku dilay dalka Maali.

Xoogag Jihaadi ah oo Askari Faransiis ah ku dilay dalka Maali.

Monday January 24, 2022 - 12:20:11
Liibaan Jeexoow
Xoogagga Jihaadiga ah ee ka halgama dalka saaxilka qaaradda Afrika ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ku qaaday ciidamada soo duulayaasga Faransiiska ee duullaanka ku jooga dhulalka muslimiinta.
Inta laxaqiijiyay hal askari oo Faransiis ah ayaa lagu dilay sagaal kalane waa lagu dhaawacay weerar loo adeegday gantaallo oo ka dhacay Koonfur Bari ee dalka Maali

Madaxtooyada Faraniiska ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqijisay dhimashada iyo dhaawaca askartaan, dad ku sugan dalka Maali ayaa sheegay in ay arkeen qiic iyo uuro madoow oo cirka isku shareeray daqiiqado kadib markii gantaallo lalahelay saldhigga magaalada Gaawa.

illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse waxaa dalka Maali ku xooggan Jamaacada jihaadiga ah ee lagu magacaabo Nusratul Islaam Walmuslimiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items