Askar Baardheere lagu dilay iyo saldhigyo ay ku sunaayeen ciidamo shisheeye oo la weeraray.

Askar Baardheere lagu dilay iyo saldhigyo ay ku sunaayeen ciidamo shisheeye oo la weeraray.

Monday January 24, 2022 - 12:09:07
Liibaan Jeexoow
Weeraro culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu miray dhowr saldhig oo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ay uga suganyihiin gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay toogasho ku dileen 2 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga weerarka geystay ay askarta ladilay ka furteen 2 qori AK47 ah oo ay haysteen.

Dhinaca kale weerar xooggan ayaa xalay saqdii dhexe lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha degmada Dhuusabareeb ee gobolka Galguduud.

Sidoo kale wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar culus uu lakulmay saldhigga ciidamada melleteriga Kenya ay ka sameysteen deegaanka Taabto balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items