Soo duulayaasha AMISOM oo Shaar cusub loo gelinayo si ay usii gumeystaan Soomaalida [Warbixin].

Soo duulayaasha AMISOM oo Shaar cusub loo gelinayo si ay usii gumeystaan Soomaalida [Warbixin].

Monday January 24, 2022 - 11:16:11
Liibaan Jeexoow
Waxaa lasoo gaba gabeeyay kulamo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya uga socday madaxda ururka Midowga Afrika iyo saraakiil ka socday dowladda Federaalka.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saarayay sida laga yeelayo mustaqbalka ciidamada soo duulayaasha AMISOM oo waqtigoodu dhammaaday kuna fashilmay muhiimaddii loo xilsaaray.

Xukuumadda dabadhilifka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa ogolaatay in ciidamada shisheeye ay dalka sii joogaan sanado hor leh, waxaa meesha ka baxay hadalladii ay ku faani jireen Farmaajo iyo saaxiibadiis oo ahaa in ammaanka ay kala wareegayaan AMISOM islamarkaana aysan ogolaan doonin in labedelo howlgalka AMISOM.

Sida ku cad warka kasoo baxay golaha nabadda iyo nabadgelyada midowga Afrika howlgalka AMISOM ayaa gabi ahaanba lagu bedeli doonaan magaca (ATMIS) oo loola jeedo howlgalka KMG midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wafdigii ka socda dowladda Federaalka ayaa saxiixay in ciidamada Afrikaanta ay dalka sii maamulaan illaa laga gaarayo sanaddii 2023-ka, laba sanadood kadib ayaa lagu ballaamay in amniga Soomaaliya lagu wareejiyo ciidamada DF-ka.

Inkastoo dowladaha Afrikaanta ay sheegeen in ciidamo cusub dalka lakeeni doono hadane waxay ubadantahay in shaar cusub loo gelinayo ciidamadii horay ugu sugnaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ururka AU ayaa bilihii lasoo dhaafay xusulduub ugu jiray sidii howlgalka AMISOM loo caalamiyay lahaa loona hoos geyn lahaa Q.Midoobay arrinkaas oo ay diidaneed DF-ka balse waxaa muuqata in soo duulayaashu ay heleen fursad 2 sana ah oo ay kusii boobi karaan kheyraadka dalka islamarkaana ay lacago malaayiin dollar ah ugasii qaadan karaan dowladaha reergalbeedka ee maalgeliya duullaanka Afrikaanta ee Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items