Mas'uul katirsan maamulka degmada Kaxda oo ku dhintay qarax miino.

Sunday January 23, 2022 - 17:09:12
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo markale ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Jugta qarax xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay degmada Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari uu watay guddoomiye ku xigeenka waaxda Afaraad ee degmada Kaxda, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay mas'uulka labeegsaday waxaana jira dhaawacyo soo gaaray qaar katirsan ilaaladiisa.

Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada lagu beegsanayo mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ayaa maalimihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences