Xukuumadda Rooble oo Ururka ONLF ka saartay liiska 'Argagaxisada'.

Xukuumadda Rooble oo Ururka ONLF ka saartay liiska 'Argagaxisada'.

Sunday January 23, 2022 - 17:08:32
Liibaan Jeexoow
Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay golaha wasiirrada xukuumadda Rooble ku sheegeen in ay ka laabteen go'aan ay horay ugaartay xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.
Kulanka oo uu shir guddoominayay R/wasaare Rooble ayaa lagu go'aamiyay in DF-ka aysan Ururka ONLF u aqoonsanayn 'Argagaxiso'.

Bishii September ee sanaddii 2017 ayay golaha wasiirrada DF-ka ku dhawaaqeen in liiska waxa loogu yeero Argagaxisada lagu daro Ururka ONLF ee ka jira dhulka Soomaaligalbeed xilligaas oo dowladda Farmaajo ay Xabashida Itoobiya ugacan gelisay Cabdikariin Qalbidhagax oo kamid ahaa siyaasiyiinta kasoo jeeda dhulka Somaligalbeed.

Tallaabadan ay qaadday xukuumadda Rooble ayaa larumeysanyahay in lagu raad gurayo go'aanadii uu horay uqaatay madaxweyne Farmaajo oo siyaasad ahaan ay isku dhowyihiin Abiy Axmed.

Maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa marwalba soo saara go'aamo ay ku raalli gelinayaan dowladaha shisheeye ee ku lugta leh gummeysiga dalka lageliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items