Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo ku dhintay Weerar Muqdisho ka dhacay.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo ku dhintay Weerar Muqdisho ka dhacay.

Sunday January 23, 2022 - 06:25:12
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay fiidkii ka dhacay mid kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.
Xoogag hubaysan ayaa degmada Wadajir ku dilay siyaasi caan ka ahaa gobollada dhexe islamarkaana xil kasoo qabtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in toogasho lagu dilay C/raxmaan Macoow oo guddoomiyaha gobolka Hiiraan kasoo noqday dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Macoow ayaa maalmo ka hor Muqdisho uga dhawaaqay in uu yahay musharax xildhibaan wuxuuna ku tartami lahaa kursiga lambarkiisu yahay HOP 58 kaasi oo yaal magaalada Beledweyne.

Mas'uuliyadda weerarkan lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan waxaa sheegtay dhaq dhaqaaqa Jihaadiga ah ee Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items