Saldhigga Ciidanka Kenya ee Cabdalla Biroole oo weerar culus lakulmay.

Saldhigga Ciidanka Kenya ee Cabdalla Biroole oo weerar culus lakulmay.

Saturday January 22, 2022 - 17:21:38
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada gummeysiga Kenya ee duullaanka ku jooga dalka.
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka melleteriga Kenya ee deegaanka Cabdalle Biroole oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Dad ku sugan Jubbada hoose ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items