Al Qaacidada Jaziiradda Carabta oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Hoggaamiyaheedii dhanka ciidanka.

Al Qaacidada Jaziiradda Carabta oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Hoggaamiyaheedii dhanka ciidanka.

Saturday January 22, 2022 - 12:28:18
Liibaan Jeexoow
Bayaan kasoo baxay Ururka Al Qaacidda ee Jaziiraddda Carabta ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah lagu dilay hoggaamiye sare oo katirsanaa qeybta melleteriga Ururka.
Mu'asasada Al Malaaxim ayaa faafisay bayaanka lagu xaqiijinayo dilka madaxii melleteriga Al Qaacidada Jaziiradda Carabta ninka lagu magacaabo Saalax Bin Saalim oo ku magac dheeraa Abuu Cumeyr Al-Xadrami.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Al Xadrami uu ahaa hoggaamiye taariikh soo jireen ah ku leh Jihaadka islamarkaana uu kamid ahaa gacanyarayaashii Sheekh Osama Bin Laden amiirkii Al Qaacidda.

Saraakiil American ah ayaa sheegay in duqeynta oo Jimcihii hore ka dhacday dalka Yemen lagu dilay illaa sedax dagaalyahan oo uu kamid ahaa Al Xadrami.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan ayaa labaatameeyo katirsanaa culimada iyo saraakiishii Ansaaru Shareecah ku dilay duqeymo ka dhacay gobollada kala duwan ee dalka Yemen.

Mareykanka ayaa Al Qaacidada Jaziiradda Carabta u arka midda ugu halista badan jihaadiyiinta caalamka isagoona ladagaallankooda u adeegsaday Sacuudiga iyo Xuuthiyiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items