Mucaaradka Oromada oo cagta mariyay kolonyo katirsan melleteriga Itoobiya.

Mucaaradka Oromada oo cagta mariyay kolonyo katirsan melleteriga Itoobiya.

Saturday January 22, 2022 - 11:23:39
Liibaan Jeexoow
Kooxaha mucaaradka Itoobiya ayaa markale qaaday olole melleteri oo ka dhan ah melleteriga Xabashida arrinkaas oo sare usii qaadaya colaadda laayaanka ah ee wadankaas ka jirta.
Jabhadda OLA ayaa ku dhawaaqday in ay cagta marisay kolonyo katirsan ciidamada melleteriga Itoobiya balse ma sheegin khasaaraha nafeed ee ay gaarsiiyeen cadowgooda.

Weerarkan wuxuu ka dhacay Mandiqada Shewa ee dhacda galbeedka gobolka Oromiaa, muuqaal Video ah oo OL ay faafisay ayaa muujinaya tobaneeyo katirsan ciidamada Itoobiya oo gubanaya.

Abiy Axmed ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in uu wahadal lafurayo dhammaan kooxaha mucaaradka islamarkaana uu colaadda dalkiisa kusoo gaba gabeynayo shir dib uheshiisiineed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items