Dowladda Kenya oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin maamulka 'Somaliland'.

Dowladda Kenya oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin maamulka 'Somaliland'.

Saturday January 22, 2022 - 10:51:49
Liibaan Jeexoow
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horraysay sheegtay in aysan aqoonsi ufidin doonin maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Nairobi waxay xaqiijisay in maamulka 'Somaliland' ula macaamili doonto isagoo ah maamul goboleed soomaali ah islamarkaana aysan u aqoonsan doonin dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Raychelle Omamo oo ah wasiiradda arrimaha dibadda ayaa beenisay warar sheegayay in Kenya ay aqoonsan doonto maamulka uu madaxda ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Isbuucii lasoo dhaafay ayuu baaralamaanka dowladda Ingiriiska soo jeediyay in aqoonsi lasiiyo maamulka 'Somaliland' balse xukuumadda London ayaa soo jeedintaas ku gacan sayrtay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items