Saldhigyo ay ciidamada Kenya iyo Itoobiya ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya oo weeraro lakulmay.

Saldhigyo ay ciidamada Kenya iyo Itoobiya ay ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya oo weeraro lakulmay.

Thursday January 20, 2022 - 12:31:29
Xoogag jihaadi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin gobollo dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka maamulka 'Koonfur Galbeed' ay ku leeyihiin degmada Waajid.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic ay labada dhinac is dhaafsanayeen, sidoo kale saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Qooqaani ee Jubbada hoose ayaa xalay weerar culus kala kulmay xoogag jihaadi ah.

illaa 2 qarax ayaa xalay lagu weeraray bar koontarool oo ciidamada dowladda Federaalka ay ku leeyihiin xaafadda Nasteexo ee degmada wadajir.

Dhanka gobolka Sh/hoose waxaa lagasoo sheegayaa weeraro lagu qaaday saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Janaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlay buundada weyn ee degmada.

Related Items