Sarkaal katirsan ciidanka dowladda oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Beled Weyne.

Sarkaal katirsan ciidanka dowladda oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Beled Weyne.

Wednesday January 19, 2022 - 17:39:26
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan.
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax maanta gelinkii dambe dhacay lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada melleteriga kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Nuur.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ugu yaraan hal askari uu ku dhaawacmay qaraxan oo mas'uuliyadiisa ay sheegatay Xarakada Al Shabaab, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Hirshabelle oo ku saabsan qaraxii Beledweyne ka dhacay

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items