Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhintay dibad baxyo ka dhacay wadanka Suudaan.

Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhintay dibad baxyo ka dhacay wadanka Suudaan.

Tuesday January 18, 2022 - 17:08:33
2949
Liibaan Jeexoow
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dibad baxyo rabshado wata oo ka dhacay intabadan magaalooyinka waaweyn ee dalka Suudaan.
Ciidamada ammaanka dowladda Suudaan ayaa toogasho ku dilay illaa 7 ruux oo ka qeyb qaadanayay dibad baxyadii malyuuniga ahaa ee shalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Khurduum.

Xoogaga muqaawamada Shacbiga ah ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in 100 ruux ay dhaawacmeen halka aydhinteen ku dhawaad 10 ruux, mucaaradka ayaa ku eedeeyay ciidanka melleteriga in dibad baxayaasha ay u adeegsanayaan rasaas nool nool.

Dhinaca kale golaha Siyaadada Suudaan oo ka jawaabay rabshadaha socda waxay ku sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii loosoo afjari lahaa ismariwaaga dalka ka jira.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dibad baxayaasha oo xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Kharduum halkaas oo laga dareemayay burbur.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items