Ciidanka Kenya oo weerar jidgal ah lagula beegsaday gobolka Lamu.

Ciidanka Kenya oo weerar jidgal ah lagula beegsaday gobolka Lamu.

Tuesday January 18, 2022 - 09:47:06
Liibaan Jeexoow
Xoogag jihaadi ah ayaa markale weerar culus ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Lamu ee dhaca xeebaha dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in shalay uu weerar jidgal ah ka dhacay deegaan lagu magacaabo Taxsiiley oo katirsan Lamu.

Weerarka ayaa loo dhigay ciidamo katirsan melleteriga Kenya ee loo yaqaan KDF balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Tan iyo billaawgii bishaan ayay weeraro laayaan ah ka socdeen deegaanno badan oo katirsan gobolka Lamu waxaana weerarkaas lagu dilay tobanaan ruux Kenyaan ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items