Muuse Biixi oo looga yeeray caasimadda dalka Itoobiya.

Muuse Biixi oo looga yeeray caasimadda dalka Itoobiya.

Tuesday January 18, 2022 - 10:16:54
Liibaan Jeexoow
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka isku magacaabay 'Somaliland' ayaa gaaray magaalad Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Socdaalka Muuse Biixi oo ahaa mid kedis ah ayaa yimid kadib markii uu amar uga yimid Abiy Axmed R/wasaaraha dowladda Xabashida, saraakiisha madaxtooyada magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay socdaalka Muuse Biixi balse faah faahin dheeraad ah kama bixin ujeedkiisa.

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli khilaaf xooggan uu soo kala dhaxgalay madaxweynaha maamulka 'Somaliland' iyo axzaabta mucaaradka ah.

Dowladda Itoobiya ayaa awaamir siisa maamulkan iyo maamullada dabadhilifyada lamidka ah ee ka jira dalka Soomaaliya, ma ahan markii ugu horraysay ee Muuse Biixi looga yeero dalka Itoobiya.

Dabayaaqadii sanaddii 2021 ayuu Mustafa Cagjar oo ay isku dhowyihiin Abiy Axmed socdaal ku tagay magaalada Hargeysa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items