Guddiyada muqaawamada wadanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay dhigayaan dibad baxyo ay ka qeyb gelayaan malaayiin ruux ujeedkuna uu yahay in ay galaan qasriga madaxtooyada.
Dad ku dhow nus malyuun ruux ayaa saaka aroortii hore ka dhaqaaqay fagaaraha weyn ee ku dhow buundada magaalada Khurduum waxayna ujihaysteen dhanka qasriga madaxtooyada.
Kooxaha hoggaaminaya kacdoonka ka dhanka ah inqilaabka melleteri ayaa ku ballamay in maalinta Isniinta ay dhacaan dibad baxyadii ugu ballaarnaa abid ee lagu diidanyahay Jeneraal Cabdi fataax Alburhaani.
Mucaaradka aan hubasynayn ayaa ku eedaynaya taliska melleteriga in uu doonayo soo dhisidda xukuumad ay madax u yihiin saraakiisha ciidamada islamarkaana aysan kaalin weyn ku laheyn ururada bulshada rayidka ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii October 2021 ayay xaaladda Suudaan sii xumaanaysay kolkaas oo uu melleeterigu xiray Cabdalla Xamduuk oo ahaa R/wasaaraha wadanka waloow markii dambe lasii daayay.
Dhinaca kale saxaafadda Mareykanka ee dalka Suudaan ayaa amar kusiisay muwaadniniinteeda ku sugan Khurduum in aysan wax dhaqaaq ah sameyn ayna ku ekaadaan hotellada iyo xarumaha kale ee ay deganyihiin.