Ruux Muslim ah oo weerar Kaligii duulnimo ku qaaday Macbadka Yahuudda ee gobolka Texas.

Ruux Muslim ah oo weerar Kaligii duulnimo ku qaaday Macbadka Yahuudda ee gobolka Texas.

Sunday January 16, 2022 - 09:11:28
Liibaan Jeexoow
Booliska Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in lasoo afjaray howlgal uu ruux muslim ah ka fuliyay macbad ay Yahuuddu ku leeyihiin magaalo katirsan gobolka Texas.
Nin muslim ah ayaa xoog ku galay macbad Yahuuddu leedahay kadibna wuxuu gacanta ku dhigay illaa 4 ruux halkaas oo ay ugu qafaalnaayeen muddo ka badan 10 saacadood, saraakiisha FBI-da Mareykanka ayaa sheegay in ay ruuxa hubaysan wadahadal lafureen kadibna uu dalbaday in lasii daayo Dhaqtaradda muslimadda ah ee Caafiya Sidiiqi oo Mareykanka uxiran wax ka badan 14 sanadood xiriir ah.

Dacwad soo oogaha guud ee gobolka Texas ayaa warbaahinta usheegay in ruuxa weeraray macbadka Yahuudda uu aad u hubaysnaa islamarkaana uu ladhashay Caafiya Sidiiqi, Wargeyska Fort Worth Star-Telegram ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay hareereeyeen macbadka kadibna ay toogteen ruuxii weerarka geystay iyagoona soo badbaadiyay dadkii Yahuudda ahaa.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo wariysay in dagaalyahanka muslimka ah ee weerarka qaaday uu ku qeylinayay "Allaahu Akbar”, ciidamada booliska ayuu ugu hanjabay in uu dili doono haddii ay usoo dhowaadaan.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa qiyaastii 40Km ujirta magaalada Dallas ee caasimadda u ah gobolka Texas


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items