Dowladda Mareykanka oo hanjabaad ujeedisay wax ay ugu yeertay Qaswadayasha Soomaliya.

Thursday January 13, 2022 - 08:13:01
Liibaan Jeexoow
24 saac gudahood dowladda Mareykanka ayaa war digniin ah kasoo saartay doorashooyinka sii daba dheeraanaya ee ka socda Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington qeybteeda Afrika ayaa uga digtay madaxda DF-ka in ay markale dib udhigaan arrimaha doorashooyinka haddii ay taas dhacdana tallaab ayaa laga qaadayaa sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

"Doorashada Soomaaliya muddo sanad ah ayay dib uga dhaceen xilligeedii,Maraykanku waxa uu diyaar u yahay inuu talaabo ka qaado qaswadayaasha hadii aan la dhaqan gelin jadwalka ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay waaxda arrimaha Afrika u qaabilsan dowlada Maraykanka.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale Mareykanku uu tahdiid ugu diray madaxda dowladda Federaalka uuna ka digay muddo kororsi arrinkan oo banaanka soo dhigaya in dabadhilifyada Soomaaliya ay yihiin laheystayaal shisheeyaha ucaynsan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items