Dibadbax ay dhigan lahaayeen Mucaaradka Farmaajo oo baaqday.

Thursday January 13, 2022 - 08:02:28
Liibaan Jeexoow
Kadib kulan ka dhacay Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa lagu baajiyay dibad bax ay mucaaradku maanta ka dhigi lahaayeen degmooyinka gobolka Banaadir.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa warbaahinta usheegay in uu qaban qaabiyaasha dibad baxa ku qanciyay in ay baajiyaan dibad baxa illaa amar dambe.

Dibad baxyo ballaaran oo loogasoo horjeedo madaxweyne Farmaajo laguna taageerayo Rooble ayaa la filayay in maanta oo khamiis ah uu dhaco waxaana dibad baxan rukhsad siisay wasaaradda amniga.

Ismariwaaga udhaxeeya madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka ayaa xiisado amni ka dhaliyay magaalada caasimadda ah waxaana jiray iskusoo baxyo ay dhinacyadu abaabulayaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items