Golaha Melleteriga Suudaan oo aqbalay iscasilaaddii R/wasaare Xamduuk.

Thursday January 13, 2022 - 06:10:35
2373
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay golaha melleeteriga ee maamulka dalka suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay aqbaleen iscasilaaddii uu soo gudbiyay Cabdalla Xamduuk oo ahaa R/wasaarihii xukuumadda calmaaniga taasi oo ka dhigan in dalkan uusan laheyn dowlad aan ka aheyn jeneraallada melleteriga.
Kulan ballaaran oo ay magaalada Khurduum ku yeesheen jeneraallada ciidanka melleteriga iyo dhammaan xubnaha golaha madax banaanida ee melleteriga looga heybaysto ayay ku iclaamiyeen in ay ogolaadeen iscasilaaddii uu xamduuk soo gudbiyay.

Tallaabadan waxay timid maalmo ay wadanka ka jirtay hunu'hunu ah in Cabdi Fataax Alburhaan iyo saaxiibadiis ay diideen iscasilaadda arrinkaas oo R/wasaarihii hore qasab uga dhigi laheyd in uu shaqada sii wado.

Haweenay afhayeenad u ah golaha isku magacaabay siyaasadad ayaa bayaan ay akhrisay ku sheegtay in ay si isku raaceen aqbalaadda xamduuk iyadoo ammaan kala duldhacday R/wasaatihii hore.

Melleteriga talada haya ayaa uga digay waxa loogu yeero q.midoobay in wahadallada ay ka dhigaan kuwa caalami ah waxayna dalbadeen in lagusoo kooban kuwa udhaxeeya dhinacyada suudaaniyiinta oo kaliya.

Related Items