Al Shabaab oo sheegtay Mas'uuliyadda qarax saraakiil Caddaan ah lagu beesgaday oo ka dhacay degmada Waaberi.

Wednesday January 12, 2022 - 13:04:48
20071
Liibaan Jeexoow
Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil caddaan ah.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay wadada 21-la October ee degmada Waaberi "Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay Idaacadda Andalus.

illaa iyo hadda tira koob rasmi ah lagama hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii naf hurnimo ee maanta ka dhacay meel ku dhow garoonka Afisyooni.

Saraakiisha booliska Dowladda Federaalka iyo wasaaradda amniga ayaan wali wax war ah kasoo saarin qaraxii maanta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items