Wasaaradda Amniga oo fasaxday dibad bax siyaasadeed oo lagu taageerayo R/wasaare Rooble.

Wednesday January 12, 2022 - 12:03:07
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Rooble ayaa fursad usiisay taageerayaasheeda in ay berri Muqdisho ka dhigaan iskusoo baxyo ballaaran oo lagu diidanyahay waxa ay ugu yeereen isku daygii inqilaab.
Wareegto kasoo baxday wasiirka amniga DF-ka Cabdullaahi Max'med Nuur ayaa lagu fasaxay in dibad baxyo Nabadeed ay berri Muqdisho ka dhacaan iyadoona looga digay guddiga qaban qaabada iskusoo baxyada abuurista rabshado.

” iyada oo la tixgelinayo xuquuqda dastuuriga ah ce bulshada u leedahay in ay qabsadaan isu soo
bax nabadeed sida ku cad qodobka 20aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah waxaa la farayaa
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir
in ay sugaan amniga dibad baxayaasha muddada ay samaynayaan dibad baxa nabadeed" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda amniga.

Fasaxan ka yimid xukuumadda Rooble waxaa ka horreeyay digniin kasoo baxday guddoomiye ku xigeenka arrimaha amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir kaasi oo sheegay in aysan aqbali doonin dibad bax ka dhan ah Farmaajo.

Dadka qaar ayaa aaminsan in iskusoo baxan lafasaxay uu dhoolatus siyaasadeed u yahay Rooble islamarkaana lagula kala saari doono saraakiisha ciidamada booliska ee kala taabacsan labada nin ee is khilaafsan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items