Mareykanka oo Cunaqabateymo ugu hanjabay madaxda DF-ka haddii uu dib udhac ku yimaad doorashooyinka.

Wednesday January 12, 2022 - 11:59:20
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda Washington ayaa markii ugu horraysay si kulul uga hadashay caga jiidka ay wajahayso doorashada Soomaaliya iyadoona udigtay hoggaamiyaha dowladda Federaalka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in ay tallaab ka qaadi doonaan madaxweynaha Soomaaliya haddii doorashada uu is hortaago.

"8 Febraayo waa sanad guuradii koowaad markii uu waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaab walba oo ay ku jiraan xayiraada Fisaha, si ay uga jawaabto dib u dhaca dheeraadka ama falalka wax u dhimaya hufnaanta Geeddi socodka doorashada” sidaas waxaa yiri Ned Price oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa bogaadisay heshiiskii ay dhowaan Teendhada Afisyooni ku saxiixdeen R/wasaare Rooble iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada.

Lama oga sida uu Farmaajo uga dabaal karo cadaadiskan uga imaanaya Mareykanka oo ah dowladda gacanta ku haysa dhammaan maamullada dabadhilifyada ah ee dalka ka jira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items