17 qof Tigree ah oo ku dhintay duqeyn ka dhacday waqooyiga Itoobiya.

17 qof Tigree ah oo ku dhintay duqeyn ka dhacday waqooyiga Itoobiya.

Tuesday January 11, 2022 - 17:26:43
Liibaan Jeexoow
diyaaradaha Drone-ka ayaa gummaad ka geysanaya waqooyiga Itoobiya
diyaaradaha Drone-ka ayaa gummaad ka geysanaya waqooyiga Itoobiya
Ciidanka cirka Itoobiya ayaa markale xasuuq daran ugeystay dad barakacayaal Tigree ah xilli ay ku sugnaayeen deegaan dhaca waqooyiga dalkaasi.
Wararka ka imaanaya gobolka Tigray ayaa sheegaya in diyaarado Drone ah ay duqeyn ku dileen ugu yaraan 17 ruux oo ku sugnaa warshad sameysa burka sida ay xaqiijiyeen shaqaale katirsan hay'adaha gargaarka Q.Midoobay.

Duqeyntu waxay ka dhacday deegaanka Mai Tsebri ee dhaca xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Eritrea, goob joogayaal diiday in magacooda la adeegsado ayaa warbaahinta usheegay in dadka ladilay ay ubadanyihiin haween ka shaqeynayay hagaajinta badar bur loo bedelayay.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 56 ruux lagu dilay duqeyn middan lamid ah oo ka dhacday waqooyiga Itoobiya, xasuuqan ka dhanka ah dadka Tigreega wuxuu imaanayaa xilli Abiy Axmed uu xabsiyada kasii daayay hoggaamiyaasha mucaaradka islamarkaana uu ku dhawaaqay shir dib uheshiisiin qaran ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items