Weerar 2 Askari lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay iyo warar kale.

Tuesday January 11, 2022 - 12:31:30
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Weerar hubaysan oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Federaalka.

Dhinaca kale weerar culus ayaa xalay lagu qaaday saldhigga ciidamada gummeysiga Kenya ee deegaanka Cabdalla Biroole oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

isla Jubbada hoose xoogaga Al Shabaab ayaa xalay dhowr jiho ka weeraray saldhigga ciidamada melleteriga Kenya ay uga suganyihiin deegaanka Hoosingoow.

Sidoo kale xoogag hubaysan ayaa xalay weeraray saldhigga ciidamada AMISOM ee kuyaal deegaanka Buur Coloow oo dhaca duleedka magaalada Baraawe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items