Dowladda Ruushka oo ku dhawaaqday in ay dhammeystirtay faragelinta Melleteri ee ay ku sameysay dalka Kazakhistan.

Sunday January 09, 2022 - 17:08:39
Warsame Warfaa
Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dhammeystirtay howlgalkii ay ciidamo meleteri ugu daabulaysay wadanka Kazakhstan ee qaaradda Asia.
Wasaaradda difaaca Ruushka ayaa sheegtay in kumanaan askari oo ka socda illaa 6 dowladood ay gaareen Kazakhstan ayna gacanta ku dhigeen xarumaha dowladda iyo saldhigyada melleeteriga.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ruushku uu dalkan geeyay ku dhowaad 70 kun oo askari, illaa 70 diyaaradood oo xamuul ah ayaa ka degay magaalooyinka ugu waaweyn Kazakhistan.

Kooxaha mucaaradka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Mosco in ay duullaan gardarra ah ku qaadan wadanka ayna doonayso in ay xukunka kusii hayso dowladda uu musuq maasuqu hareeyay ee ka jirta dalka Kazakhstan.

Boqolaal ruux shacab ah ayaa larumeysanyahay in lagu dilay rabshadihii soo bilaawday isbuucii lasoo dhaafay waxaana jeelasha loo taxaabay illaa 5,000 ruux waxaana dadkaas kamid ah madaxii hore ee sirdoonka Kazakhstan kaasi oo ku eedaysan in uu gacan ka geystay kacdoonnada socda.

Warsame Warfaa Xaaji
SOMALIMEMO, Muqdisho
Email:[email protected]

Related Items