Wasiirka difaaca Mareykanka oo laga helay Caabuqa Covid19.

Monday January 03, 2022 - 11:20:15
Warsame Warfaa
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in caabuqa Covi19 uu asiibay Lloyd Austin oo ah wasiirka Gaashaandhigga.
Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay wasiirka difaaca ay sugeen in uu qabo caabuqa Covid19 balse caalamadaha bukaanimo ee uu qabo aysan aheyn kuwa daran.

Lloyd Austin ayaa muddo 5 maalmood ah karaantiil ahaan ugu sugnaan doono gurigiisa waxaana laga mamnuucay in uu tago xarunta wasaaradda difaaca iyo dhammaan goobaha shaqada dowladda.

Mas'uuliyiinta wasaaradda G/dhigga waxay sheegeen in wasiirku uu horay uqaatay talaalka lagula tacaalo Corona Virus islamarkaana u hoggaansamay dhammaan talooyinka caafimaad ee lasiiyay.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Biden iyo Lloyd Austin ayaa dhacay 21 December 2021 taas oo ka dhigan in Isbuuc iyo dhowr maalmood uun laga joogo waqtigii is aragga labada mas'uul.

Caabuqa Covid19 ayaa dalka Mareykanka ku dilay in kabadan 800 oo kun oo ruux wuxuuna dalkani ku jiraa kaalinta koowaad caalami ahaan dalalka ladhibaataysan caabuqan safmarka ah.

Related Items