Dab ka kacay xarunta baarlamaanka dalka Koonfur Afrika.

Sunday January 02, 2022 - 12:14:15
Warsame Warfaa
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Koonfur Afrika ayaa xaqiijisay in dab xooggan uu ka kacay dhismayaal dowladeed oo kuyaal magaalada Capetown ee wadankaasi.
Dabka oo kasoo bilaawday kaniisad ayaa ku faafay illaa sedax dhisme oo ay ku jirto xarunta baarlamaanka dowladda Koonfur Afrika, sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dabka oo kusii faafaya qolalka xarunta baarlamaanka.

Guddiga gurmadka degdegga ah ee magaalada Capetown ayaa sheegay in ay wadaan dadaal ay ku bakhtiijinayaan dabka ka kacay dhismaha baarlamaanka wadankaasi.

Warsame Warfaa Xaaji
SOMALIMEMO, Muqdisho
Email:[email protected]

Related Items